Dalka Burundi ayaa waxa uu xayiraad saaray seddax baarayaal oo Qaramada Midoobey ka socotay.
Burundi waxa ay sheegay in seddaxdaasi qof aysan dalkeeda soo gali Karin, go’aankan ayaa imanaaya maalmo kaddib markii dowladda Burundi ay sheegtay inay ka bexeyso maxkamadda ICC-da.
Arrintani ayaa ka dambeysa kaddib markii dowladda Burundi ay ku eedeeyeen inay xadgudub baahsan oo ka dhan ah bini aadanaha ah geysatay.
Warbixin la daabacay September ayaa baarayaashu waxa ay sheegeen in kumannaan qof loo gaystay jirdil, kufsi iyo kuwo la waayay intuu qalalaasaha siyaasadeed ka socday dalka Burundi, waxayna ka digeeen in xasuuq ka dhici karo dalkaas.
In kabadan 500 oo qof ayaa ku dhimatay qalalaasaha, kaas oo bilowday sanadkii tagay, kaddib markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu go’aansaday inuu mar seddaxaad xilka qabto.
In kabadan 500 qof ayaa ku dhimatay Burudi ugu yaraan 270,000 oo qof oo kalana way ka qaxeen muddadaasi.
PUNTLAND POST
The post Burundi oo xayiraad saartay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey appeared first on Puntland Post.