Nairobi: (pp)- Labo siyaasi oo ka tirsan xillibaanada DF Somalia ayaa sheegey inay ka badbaadeen weerar magaalada Nairobi ay kala kulmeen saddex nin oo ku hubeysan bastoolado, kuwaas oo ay sheegeen inay joojiyeen xillibaanadu gaari ay wateen bartamaha magaalada Nairobi.
Xildhibaan Xoosh Jibriil oo saxaafada maanta la hadlayey ayaa sheegey in dhacdan ay qabsatey isaga iyo saaxiibkii oo isna lagu magacaabo Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan baarlamanka DF Somalia horeyna usoo noqdey Wasiirkii Qorsheynta Dowladihii KMG ahaa.
Xoosh waxa uu sheegey in raga soo weerarey oo isaga soo dhigey inay ka tirsan yihiin Booliska Kenya ay joojiyeen gaariga ay wateen dabadeedna ay ku wargaliyeen inay xiran yihiin labada xillibaan ee isla socdey.
Waxaana uu intaas ku darey iyaga oo ka shakisan ragan inay dhacdey gaarigii ay wateen oo ay si xoog leh kusoo galeen islamarkaana ay ka qaateen Computer Labtop ah oo ay wateen sidaasna ay uga shakiyeen raga oo uu xoosh ku tilmaamey inay ahaayeen kuwo doonayey inay isaga si gaar ah u afduubtaan.
“Saddexda nin oo aan kala kulaney handadaad iyo cago jugleyn xoogan , markii aan fahmey qorshaha ay naga leeyihiin waan qeylinay ka dibna way carareen iyaga oo ka cabsadey dad faro badan oo aaga ka agdhawaa oo nagu soo aruurey” ayuu yiri Xoosh Jibriil.
Xoosh oo la weydiiyey su,aal ahayd in arrintan ay dabo joogi karto shir dhawaan Nairobi xubno uu ka mid yahay ku qabteen oo laga soo horjeedo Maamulka Jubaland ayaa ku jawaabey inaysan is quseyn arrimahaasi, isagoona sheegey in ragaas weerarka kusoo qaadey ay ahaayeen burcad.
Dhacdan oo aan la hubin sida ay wax uga jiraan ayaa dadka qeybtiis ee ka faaloonaya arrinta ay sheegayaan in labada xillibaan ee ku doodaya in la weerarey ay yihiin kuwo aad loogu yaqaan isticmaalka maandooriyaha biyaha dhalooyinka , iyadoona laga yaabo inay is tusiyeen weerar kusoo wajahan xilli maskaxdooda ama miyirkoodu uusan si caadiya ahayn.
Dhanka kale xubnahan xillibaanada ah waxay ka mid yihiin kuwo sida weyn uga soo horjeeda hirgalitaanka Maamulka dhawaan ka hano qaadey Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ee Jubaland.
Puntlandpost.com
Nairobi.