Bosaso: (pp)- Ciidamada Ilaalinta Canshuuraha Dekeda Bosaso ayaa tababar ku saabsan Shuruucda Maaliyadeed iyo waajibadkooda shaqo uu uga ka furmay Iskuulka Ciidamada Dekeda Bosaso ee xarunta G/bari.
Ujeeda Tababarka ayaa saldhig u ah in kor loo qaado tayada Ciidamada Qaabilsan Ilaalinta Cashuuraha,xilli Dekeda Bosaso ay si wayn ugu xirnaayeen Gnacsatada Soomaaliyeed 22-sano ee ugu dambeeyay.
Furitaanka tababarka ayaa waxa goob joog ka ahaa,masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Maaliyada Puntland iyo Laamaha amniga Dekeda Bosaso.
Agaasimaha Guud ee Dakhliga ee Wasaarada Maaliyada Puntland Cismaan Buux Cali oo Daah-furay tababarka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in kor loo qaado tayada iyo aqoonta Ciidamada Ilaalinta Canshuuraha,si buu yiri ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
“Tababarkan waxa lagu baran doona Shuruucda Maaliyadeed ee ciidamadaIllaalada Cnashuuraha iyo waajibaadkooda shaqo,waxaana la bixin doona Buug’’Ayuu yiri Mr Buux.
Agaasimaha Waaxda Furdooyinka ee Wasaarada Maaliyada Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay madasha ayaa sheegay in tababarka mudada uu socdo lagu baran doono Waajibaadka iyo Sharciyada Canshuuraha.
Taliyaha Saldhiga Dekeda Bosaso Gaanshaale sare Maxamed Cali Xaashi ayaa mahad celin balaaran usoo jeediyay Wasaarada Maaliyada Puntland oo uu sheegay in ay ka qayb qaadanayso tayaynta Ciidamada illaalinta Canshuuraha.
Si kastaba ha ahaate,arrimahan ayaa imanaya xilli ay si habsami leh u shaqaynayso Dekeda Bosaso oo ah Isha dhaqaalaha Puntland.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi.
Puntlandpost.com Bosaso,Puntland,Somaliya.