Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland oo cadeymo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya kusoo bandhigtay Gaalkacyo

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Dowladda Puntland ayaa galabta magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigtay askar ka tirsan ciidanka xoogga Soomaaliya oo la doonayay in loo adeegsado colaadda magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka deegaanka dowladda Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo shir jaraa’id wariyayaasha ugu qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay askartaan in ay iyagu gacantooda isugusoo dhiibeen dowladda Puntland, kadib markii ay arkeen in loo adeegsan rabo dagaalka looga soo horjeedo Puntland iyo shacabkeeda.

Wasiirka deegaanku wuxuu sheegay inay hayaan cadeyn rasmi ah oo sheegaysa in dowladda federalku shan gaari oo ah nooca dagaalka ay uga qeyb qaateen dagaalka  u dhexeeya Puntland iyo Galmudug ee Gaalkacyo ka socday maalmahaan.

Bandhiga Puntland ee cadeymo ka dhan ah Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya ka dib markii uu maanta warbaahinta ka sheegay Wasiirka Warfaafinta Dowlada Soomaaliya inay ciidamo kala dhex gala Puntland iyo Galmudug usoo dirayaan  Gaalkacyo.

Daawo Sawirrada

1 2 3 4

Hoos ka akhriso, kana dhagayso Warka Dowlada Federalka Soomaaliya

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Puntland oo cadeymo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya kusoo bandhigtay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>