Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

3 Ruux oo Miino Aasayay oo Muqdisho ku Geeriyooday

$
0
0

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay sheegayaan in 3 Ruux oo dooneeysay in ay Miino ku Aasaan Muqdisho ay geeriyoodeen kadib markii miinadii ay Aasayeen ay ku qaraxday.

Goobtaan Miinada ay ku Aasayeen dadkan oo aheyd Isgooyska Ex-Control Balcad Degmada Hilwaa ee Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in ay ku qaraxday.

Goobjoogayaal lagu kalsoonan karo ayaa noo xaqiijiyay geerida Ragaan oo tiradooda aheyd 3 ruux.

Lama oga Cida ay doonayeen in ay labar tilmaameed sadan Miinada Ragaan ay Aasayeen ee La Qaraxday, hayeeshee wadadaasi oo ah mid muhiim u ah isku socodka dadka iyo Gaadiid ayaa waxaa sidoo kale Isticmaala Ciidamada AMISOM iyo kuwo Dowlada.

Maydka Ragaasi ayaa wali Waxa ay Yaalaan Halkii ay Miinada ku Aasayeen waxaana halkaasi gaaray Masuuliyiin katirsan Dowlada Somalia.

Falalka Noocaan oo kale ah ayaa ka dhaca Mararka qaar magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Puntland Post Muqdisho

The post 3 Ruux oo Miino Aasayay oo Muqdisho ku Geeriyooday appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>