Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xaalada Magaalada Gal-kacyo oo Saakay Dagan

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gal-kacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada Magaaladaasi Saakay xoogaa xasilooni ah laga dareemayo.

Majiro Wax dagaal ah oo iminka soconayo hayeeshee wali waxaa la dareemayaa xiiso kacsanaan ah oo labada dhinac u dhaxeeysa.

Labada dhinac ee Dagaalamaya ayaa helaya Gurmadyo kala duwan waxaana magaalada ku sii qul qulaya hubka culus iyo ciidamo badan.

Dadkii ku Dhaqanaa Magaalada Gal-kacyo ayaa isaga barakacaya gudaha magaalada Gal-kacyo si ay uga baxsadaan Rasaasta dhaceysa.

Majirto ilaa iyo iminka cid kala dhaxgashay Dhinacyada Puntland iyo Gal-Mudug oo ku dagaalamaya Magaalada Gal-kacyo.

PUNTLAND POST

The post Xaalada Magaalada Gal-kacyo oo Saakay Dagan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>