Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

R.W Cumar oo Hambalyo u direy Hoggaan ka Cusub ee Maamulka Hirshabeelle

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa soo dhoweeyey doorashadii ka dhacdey magaalada Jowhar ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

“Waxaan u hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo ku xigeenkiisa Waxaan Alle uga baryaynaa in uu howsha adag ee loo doortay ku garab galo, waxaan aad ugu faraxsanahay sida ay doorashada u dhacday, oo ah mid xaq ah iyo si xalaal ku dhacday, bulshadana ay la shaqeeyaan hogaanka cusub” ayuu yiri R.W Cumar.

—–DHAMMAAD—–

PUNTLAND POST

The post R.W Cumar oo Hambalyo u direy Hoggaan ka Cusub ee Maamulka Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>