Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland oo beenisay in ay wada hadal kula jirto Gal-Mudug

$
0
0

Puntland ayaa si kulul u beeniysay in wada-hadal ay kula jiraan Galmudug oo ku aadan sidii loo xalin lahaa dagaalada kusoo lab-laabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wasiirka Deegaanka   Puntland  Mudane Cali Cabdulaahi Warsame oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wada-hadal ay kula jiraan  Galmudug si loo xaliyo dagaalada ihii dambe ka dhacayay Magaaladaas.

Sidoo kale Wasiirka Deegaanka  Puntland  Cali Cabdulaahi Warsame ayaa ugu baaqay dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug  in ay dib ugu soo laabtaan Guryahooda.

Madaxweynaha  Galmudug  C/kariin Xuseen Guulleed ayaa sheegay in Wasiiro ka kala Tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug in wada hadal ay ku yeelan doonaan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wada-hadalka ayuu ku sheegay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed in loogu gol leeyahay sidii loo dhameyn lahaa colaada Ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug oo maalmihii dambe ay kuwada dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Hoos ka dhageyso Codka 

PUNTLAND POST

The post Puntland oo beenisay in ay wada hadal kula jirto Gal-Mudug appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>