Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bosaso:Kulan u furmey labo beelood iyo Dib u xasuusin heshiisyo horey u wada gaareen oo fashilmey,Warbixin iyo Sawiro.

$
0
0

Boosaaso: (pp)- Kulan loogu magac darey ardaaga Nabada oo dhex marayey labo beelood oo ka tirsan beelaha gobolka bari ayaa ka furmey galinkii danbe ee shalay magaalada Bosaso .

DSC03029Waxaana kazoo qeyb galay furitaankii kulanka masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Bari,Xubno ka tirsan Golaha Xukuumada,maamulka degmada Bosaso,Odayaal dhaqameed ka kala socday labada Beelood iyo marti sharaf kale .

Ujeedada kulanka oo la xiriirta heshiis buuxa oo ay wada gaaraan beelaha kala ah Cali jibraahil iyo Cali Saleebaan ayaa waxaa gogosha dhigtey beesha cali jibraa,iil.

DSC03021Xubno uu ka mid yahay Beeldaaje Cali Faarax oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegey in hogaanka dhaqanka ee beelahan laga doonayo udub dhexaad ay u noqdaan heshiisiinta beelaha walaalaha ah.

‘’Waxa jiray dad laba beelood ka tirsan oo Ganacsi ku haystay magaalada,laakiin Colaada darteed u cararay’’Ayuu yiri beeldaajuhu.

Beeldaaje Jaamac Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi oo isna ka mid ahaa Isimadii ka hadlay kulanka waxa uu sheegay inay ka go’an tahay xal nabadeed oo waara oo ay wada garaan labada Beelood.

DSC03054Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil,Guddoomiyaha Gobolkan Bari Cabdisamad Maxamed iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Bosaso Siciid Garoon ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyey heshiisiinta Beelaha Cali Jibraahiil Iyo Cali Saleebaan.

5-sano Oo Colaad Ah.

Colaada labada Beelood oo bilaabatay sanadkii 2008 ayaa socotay muddo ku siman 5-sano,waxaana jiray heshiisyo horay u dhexmaray,hasa yeeshee aan hubanti noqon.

DSC03043Shan sano ka dib labada beelood kulanka uga furmay Bosaso oo gogol dhigiisa ay lahayd Beesha Cali Jibraahiil,waxay coddheer ku sheegeen in ay go’an tahay in la gaaro heshiis cago adag ku taagan.

Heshiiskii 2010 Ee Labadda Beelood.

Horaantii Desembar ee 2010 ayaa labada beelood heshiis ka koobnaa 10 qodob ay ku gareen magaaladda Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

DSC03017Heshiiskaas oo ay si wada jir ah uga shaqeeyyeen dowlada Puntland iyo Waxgarad reer Puntland ah.

Qodobaddii Lagu Heshiiyay.

-In la joojiyo xabada maanta oo ay taariikhda tahay 2/11/2010.
-Ciddi ku xadgudubta xabadjoojinta maanta dhaqan galaysa maanta,waxaa la go’aansaday in la horgeeyo shareecada Islaamka,laguna fuliyo wixii uu muteysto.
-In la xoojiyo nabadgalyada guud ee Puntland iyo mid gaar ahaaneedba ee labada beelood ka dhexaysa miyi iyo magaalaba.

Magdhawgii dadkii dhintey.

-In Cali Saleebaan uu bixiyo magta 26-qof oo ka dhimatay Cali Jibraahil.
-In Cali Jibraahiil uu bixiyo 11-qof oo a dhimatay Cali Saleebaan.
-In la qaato qiimihi magta lagu qiimeeyey shirkii Garoowe,kaas oo ka ah $26,300(mag,duug iyo samirsiin).

Xiliyadii loo qabtey in beel walba magaha iyo duugaha ku bixiyaan.

-In la bixiyo duugta,samirsiinta iyo jifida magta,30/11/2010.
-In la bixiyo magdheerta 31/03/2010.
-In cid weliba waxaa lagu leeyahay ay gaar ahaan u bixiso aan la samayn karin isu tuur,ama isku goyn dadka dhintey,taas oo noqonaysa in cid weliba ay hesho magdhowga dadkii ka dhintay.

Waxaa sheegid mudan in uu jiray kulan balaaran oo labada Beelood sheegeen in ay kusoo afjarayaan Colaada 30/1/2012 ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.

Todobaadyo kooban ka dib Puntland waxay jirsanaysaa 15-sano,taasi oo macnaheedu uu yahay in ay qaangaarayso,dadweynaha ayaa rajaynaya in Puntland ay qaangaari doonto,xilli lasoo afjaray Colaad Beeleed lagu waayay dad muhiim u ahaa Umada reer Puntland.

Daawo Sawiro kale oo kulanka labada beelood ah.

DSC03013 DSC03014 DSC03017 DSC03016 DSC03018 DSC03030 DSC03040 DSC03046 DSC03050 DSC03048Cabdiqani Cabdulaahi Cabdi.
Puntlandpost.com Bosaso Puntland,Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles