Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bosaso: Kulan looga hadlayo khatar tahriibta oo loo qabtey dhalinyaro,Sawiro.

$
0
0

Bosaso: (pp)- Kulanka oo ay kasoo qayb galeen maamulka Gobolka Bari,maamulka degmada Bosaso,Xubno ka tirsan Xukuumada,Dhalinyaro iyo hogaamiye dhaqameed ayaa ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.

DSC03166Ujeedada kulanka ayaa salka ku haysay in dhalinyarada laga wacyi galiyo kahatarta ay leedahay Tahriibtu,xilli dhalinyaro fara badan ay ku halaagmeen Badda u dhaxaysa wadamada Liibiya iyo Talyaaniga iyo marinka dheer ee u dhexeeya Wadamada Itopia,Suudaan Iyo Liibiya.

DSC03151”Naftaada ha haligin ku kalsoonow dalkaaga iyo dadkaaga,Dalinyarooy dalka nabadiisa horumarkiisa iyo hogaamintiisu adigay ku sugayaan”,waxay ka mid ahaayeen halkudhigyo lagu xardhaday hoolka uu ka dhacay kulanku,kuwaasi lagu muujinayay dhibaatada Tahriibta iyo muhiimada dhalinyaradu ay u leeyihiin dalkooda Hooyo.

DSC03113Guddoomiyaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha Gobolka Bari Mustafe Cabdi Raxmaan ”Majacase” oo daah-furay kulanka ayaa dhalinyarada ku booriyay in ay ka shaqeeyaan amaanka,isla markaanma ay door muuqda ka qaataan wacyi galinta dhalinyarada ku hawlan Tahriibta.

DSC03114”Cayaaruhu waxay ka mid yihiin meelaha laga wacyi galiyo dhalinyarada,waxa jira Koon kubadda Cagta ah oo aan u qabanay dhalinyarada oo ka socda Bosaso”Ayuu yiri Mustafe Majacase.

Guddoomiyaha nabadoonada Gobolka Bari Cabdulqaadir Axmed Ibraahim Xarago oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dhalinyarada Tahriibta ay maraan wado u horseeda Geeri.

DSC03106”Dhalinyaradu waxay maraan wado khaldan,qaar ayaa loo haystaa madax furasho,nolosha ay raadsanayaan ma aha mid meeshaba taal,waxaan dhalinyarada uga digaynaa wadadaas halista ah”Ayuu yiri Xarago.

Duqa degmada Bosaso Xassan Cabdale Xassan iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay kulan ayaa sheegay in dhalinyaradu ay Udub dhexaad u yihiin hormarka dal kasta,ayna rajaynayaan in dhalintu ay ka qayb qaatan hormarka dalka.

DSC03138Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Puntland Siciid Daahir Qodax oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in hadafka dowlada Puntland ay ka leedahay dhalinyarada ay sal dhig u tahay,in la helo dhalinyaro isku tiirsan oo hogaan u noqota dalka.

Si kastaba ha ahaate,arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli dhalinyaro fara badan oo Soomaaliyeed ay dadaal ugu jiraan in ay dalka ka Tahriibaan.

Daawo Sawirada kale

DSC03140 DSC03110 DSC03100 DSC03096 DSC03097 DSC03099 DSC03129Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi.
Puntlandpost.com Bosaso,Puntland,Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>