Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta ka furmay magaalada Garowe shir looga arrinsanayo ka hortaga tahriibta oo fara kulul ku haysa dalka Soomaaliya, waxaana kazoo qeyb galay shirkan oo ay iska kaashadeen Hay,adda NCA iyo Xafiiska la dagaalanka Burcad badeeda Puntland qeybo ka socda bulshada rayidka ah sida Culimo udiin,Odoyaal, Dhalinyaro,Haween,iyo Agaasimaha la dagaalanka Burcad badeeda Puntland.
Cabdirasaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay Ajandaha shirkan, wuxuuna sheegay in 4tii biloodba la qaban doono kulan looga arrinsanayo Sidee wax looga qaban karaa Tahriibta ?, Wuxuuna ku tilmaamay tahriibta inay tahay Adoonsiga Casriga ah, Islamarkaana ay ugu waaweyn yihiin waxyaabaha sababay saddex arrimood oo kala ah ,Colaad,Fakhri iyo Musiibooyin kale oo dabiiciya.
Cabdirasaq Ducaysane Agaasimaha Xafiiska la dagaalanka Burcad badeedka Puntland ayaa ka waramay qaabkii looga cirib tiray Puntland falalkii burcad badeednimada, wuxuuna sheegay inay ugu muhiimsanaayeen sameynta guddiyo ka kooban qeybaha bulshada iyo Warbaahinta oo door muhiim ah ka ciyaareysay sidii looga wacyi-galin lahaa bulshada.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST.
The post Shir looga arrinsanayo joojinta Tahriibta oo ka furmay Garowe appeared first on Puntland Post.