Xarfo (Puntland Post):- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarshada Puntland Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha guud ee Wasarada Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ayaa kormeer ku tegay dugsiga sare ee Xarfo ee Suldaan Hurre ,Labo kale oo dugsiyo Hose/dhexe iyo dugsiga farsmada gacanta ee ku yaala degmada Xarfo Gobolka Mudug.
Ujeedada barnaamijka waftiga ayaa salka ku haysay sidii ay u ogaan lahaayeen baahida waxbarasho ee ka jirta xarumahaas iyo horumarka ay ka gaareen bulshada halkaasi ku nool.
Dhanka kale waftiga uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa dhagax dhigay dugsi sarre oo boodhin gaar ah u noqon doona gabdhaha ku nool deegaanka Bur-saalax, Halka ay sidoo kalena dhagax dhigeen dugsiga farsamada gacanta Bur-saalax .
Munaasabada dhagax dhiga labadan dugsi ayaa waxaa kala qeyb galay Waftiga Wasiirkuxigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdulqaadir ,Gudooomiyaha Gobolka Mudug iyo Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolkaas.
Labadan mashruuc ee Iskuulo waxbarasho looga dhisayo Deegaanka Bur-saalax ayaa ka danbeysay ka dib markii Bur-saalax kaga guulaysatay tartan dhanka waxbarashada ah degmooyinka kala ah Carmo Ufayn iyo Jariiban .
Waxaana uu kusoo dhamaaday safarka ay ku tageen Xarfo iyo Bursaalax masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada Puntland guul , Iyagoona kala kulmay bulshada deegaankaas ku nool soo dhaweyn , halka ay lasoo yeesheen kulamo dhaxal gal ah maamulladda waxbarshada,waxgaradka aqoonyahanada iyo da,yarta .
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo mashaariic ka bilowday Bur-saalax appeared first on Puntland Post.