Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray Jowhar

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe.

Madaxweyna ayaa ka qayb galaya munaasabada caleema saarka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee dowlad goboleedka Hirshabeelle oo hadda si toosa Jowhar uga socota.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo dadweynaha Magaalada Jowhar.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyado ay halkaasi ku qul qulayaan wafuud heer caalami ah, si ay uga qeyb galaan xafladda lagu caleemo saarayo Madaxda dowlad goboleedka Hirshabeelle.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray Jowhar appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>