
Kooxda Ac Milan ayaa garoonka cabsida badan ee San Siro 1-0 ku garaacday Marwada duqda ah ee Juventus kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga ee Seria A.
Manuel Locatelli ayaa ahaa dhaliyaha gool aad uqurux badan oo toogasho ahaa daqiiqadii 65-aad wuxuuna lamid ahaa kii uu ka dhaliyay kooxda Sassuolo.
Manuel Locatelli ayaa Maqnaanshiyaha laacibiinta khadka dhexe ee Riccardo Montolivo, Andrea Bertolacci, iyo Mati Fernandez u helay fursad uu safka hore uga soo muuqdo, waa ninka ciyaartan wayn go’aamiyay.
Shan sano kahor ayaa u dambaysay inay labadan kooxood ay ku tartamaan hoggaanka horyaalka Talyaaniga, waxayna Juventus San Siro timid iyadoo ay Milan kaalinta 2-aad kula jirto AS Roma.
Donnarumma gool hayaha Milan ayaa ahaa halyayga ciyaarta isagoo ka badbaadiyay kooxdiisa fursado gool loo filan karay.
AC Milan ayaa haatan kaalinta 2-aad ku jirta iyadoo leh 19 dhibcood, halka Juventus oo hoggaanka haysa ay leedahay 21 dhibcood.
PUNTLAND POST
The post Milan oo Guul muhiim ah ka Gaartay Juventus appeared first on Puntland Post.