Garowe: (pp)- Wasaradda haweenka iyo arimaha bulshada ee Qoyska Puntland ayaa maanta kulan ku saabsan sidii looga hortagi lahaa tacadiga haweenka iyo kala fogaynta caruurta wada dhalatay u qabatay culimo ka kala timid qaar ka mid ah gobalada Puntland.
Ahmiyada kulanka looga gol leeyahay ayaa la xiriirta sidii Culimo udiinku uga wacyi galin lahaayeen bulshada ilaalinta xuquuqda haweenka oo la cadeeyo diinta Islaamku waxay ka qabto caruurta wada dhashey ee la kala fogeeyo midaas oo ku badan dhulka Somalida.
Marwo Xaaliimo Xaaji Xasan Wasiirka Haweenka, Arrimaha bulshada iyo Qoyska ee Puntland oo saxaafada uga warbixisey shirka wasaaradu culimada ugu qabatey magaalada Garowe ayaa sheegtey inuu qeyb ka noqonayo dadaalada wasaaradeedu ugu jirto sidii loo yareyn lahaa ama hoos loogu dhigi lahaa tacadiyada dumarka iyo caruurta ay la kulmaan.
”Culimadu dadku aad ayay u dhagaystaan marka waxan doonaynaa inay dadka wacyi galiyaan,waxanu ka keenay culimada Gobalada Mudug,Nugaal,Karkaar iyo Bari,arinta ugu muhiimsan waxay tahay in la ogaado diintu waxay ka qabta ilmaha la kala fogeey”Xaliimo Xaaji Xasan.
Sidoo kale wasiirku waxay ka war bixisay safaro kala duwan oo ay madaxda wasarada haweenka ku tageen qaar ka mid gobalada Puntland,waxayna sheegtay sidoo kale inay hada qorshaha ugu jiraan gobalada kale ee harsan sidii socdaal loogu kala bixin lahaa isla markasna loo ogaan lahaa baahiyada qoyska.
”Arinta noogu wayn waxay tahay inaan ogaano baahiyada ka jira degmo kasta iyo tuulo kasta,meel kasta oo aanu tagno waxaanu kusoo samaynaa qiimayn sidii wax loogu qaban lahaa”Xaliima.
Sidoo kale Xaliima Xaaji Xasan ayaa sheegay inay baahi badan u qabaan qalabka caafimaadka si loo geeyo dhulka tuulooyinka ah ee ka fog laamiga,waxayna ammaantay wada shaqaynta ay la lee yihiin hay’ada UNFPA oo door ku leh howlaha ay wasarada haweenku wado.
Daawo Sawiro kale Kulanka Culimada iyo Wasaarada.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe Office