Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garoowe: Dhaawacyo Kismaayo laga keenayo oo berito Puntland laga soo dejinayo,Warbixin.

$
0
0

Garoowe: (pp) Dhaawacyo ka mid ah dadkii ku dhaawacmey dagaaladii ka dhacay labo todobaad ka hor Magaalada Kismaayo  ayaa maalinta berito ah lagu wadaa in laga soo dejiyo Garoomada Puntland sida ay sheegeen Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Puntland oo iyagu sheegey in daryeel caafimaad loogu sameyn doono Isbitaalada Puntland.

Saraakiil ka tirsan Caafimaadka oo la hadley Puntlandpost ayaa u xaqiijiyey in heegan Wasaarada Caafimaadku u galisey bahda caafimaadka dhaawacyada la keenayo, iyadoona ay intaas raaciyeen in keenista dhaawacyada laga soo qaadayo magaalada Kismaayo ay ka danbeysay ka dib markii Maamulka Jubaland uu ka codsadey Dowlada Puntland in daryeel caafimaad ay u fidiso dadkaasi dhibaatadu kasoo gaartey dagaaladii labada maalmood Kismaayo ka dhacay.

Lama oga tirada rasmiga ah ee ay gaari doonaan dhaawacyada la keenayo, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay kor u dhaafayaan ilaa labaatameeyo , iyadoona sidoo kale aysan sheegin saraakiisha wasaarada caafimaadka Puntland goobta laga soo dejin doono dhaawacyada, marka laga tago xaqiijinta in dhaawacyada maalinta berito la keeni doono.

Puntland iyo Jubaland ayaa xiriirka ka dhexeeya  marka loo eego mowqifka isku midkaa ee ay ka wada taagan yihiin dhanka siyaasada Somalia, iyadoona ay qeyb ka noqon kareyso daryeelka Puntland u sameynayso dadka ku dhaawacmey rabshadihii Kismaayo ka dhacay xiriirka labada dhinac oo sii xoogeysta.

Puntlandpost.com

Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles