Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya labo qarax oo maanta ka dhacay magaalada Utsnomiya oo dhacda Waqooyiga Tokyo ee Caasimada dalka Japan.
Qaraxa koowaad oo ka dhacay magaalada Utsnomiya oo dhacda Waqooyiga Tokyo ee dalka Japan ayaa waxaa ku naf waayay 3-ruux oo shacab ahaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 3-kale oo shacab ahaa sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliska dalka Japan.
Qarax labaad, ayaa Waxaa uu ku dhacay Goob Baakin Ah oo Gawaarida la dhigto Waxaana uuna is Geeystay qasaare aad u badan .
wararka Qaar ayaa waxa ay Sheegayaan in Nin 72 Sano Jir ahaa oo horay uga Tirsanaa Ciidamada Dalkaasi uu qaraxaasi Geeystay
Telefishanka fadhigiisu yahay Magaalada Tokyo ee dalka japan ee NHK World ayaa qaraxa kadib baahiyay sawiro muujinaya gawaari gubanaysa iyo dad dhaawac ah oo laga soo saarayo goobaha qaraxyada ay ka dhaceen.
PUNTLAND POST
The post Qarax qasaare geeystay oo ka dhacay Dalka Japan appeared first on Puntland Post.