Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle State Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe ) iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa ka tacsiyeeyay Dadkii ku waxyeeloobay Qarixii Maanta ka dhacay Xero Ciidamada Jabuuti ku lahaayeen Galbeedka Magaalada Baledwayn.
Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa sheegay inay ka xun yihiin qarixii Maanta ka dhacay Magaalada baledweyn.
Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa dhankiisa sheegay in kooxaha nabad diidka ah ay ka shaqeeyaan Dhibaateynta Dadka Shacabka ” Maanta sida ay wax u rabeen uma dhicin Gaari U.D ah oo lagu soo raray Qarxyo korkana laga soo saaray Balka xoolaha ay cunaan ayaa lala eegtay Xerada Ciidamada Jabuuti ee Ku taal galbeedka Baledwayn Waxana uga Tacsiyeeynaya Dowlada Jabuuti Walaalaheena Hiil-Walal Dhibta soo gaaray.
Ugu dambeeyn wuxuu bulshada ku nool deeganada Hirshabeelle ugu baaqay inay ka shaqeeyaan Nabad galyada isagoo dhinaca kale Laamaha amaanka faray inay xoojiyaan sugida Amniga deegaanada Hirshabeelle
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Maamulka Hir-shabeelle oo ka tacsiyeeyay Qarixii Baledwayn appeared first on Puntland Post.