Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay wadooyin laamiya Bosaso.

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26 October 2016 ayaa kormeer shaqo kusoo maray qaybo kamida magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Kormeerka uu maanta madaxweynaha dawladda Puntland uu ku marayey magaalada Boosaaso  ayaa waxaa ku weheliyey gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), duqa degmada Bosaaso Eng. Yasiin, taliyaha qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Ugu horayn horayn madaxweynaha dawladda Puntland ayaa wuxuu dhagax dhigay wada cusub oo laamiya oo dhererkeedu yahay  hal kiiloo mitir iyo lixboqol iyo konton mitir, wadadaas oo laga hirgelinayo xaafada New Boosaaso oo kamida xafadaha waaweyn ee magalada Boosaaso.

Jidkan laamiga ah ee uu madaxweynaha dawladda Puntland maanta dhagax dhigay  ayaa Waxaa Loo Bixiyey Ugaas Yaasiin, wuxuuna noqonayaa jidkii 11-aad ee laga hirgeliyo magalada Boosaaso mudo labo sanadood gudahooda, waxaana hirgelinta Jidkani iska kaashaday JPLG iyo dawladda Puntland.

Sidoo kale madaxweynaha dawladda Puntland ayaa dhagax dhigay jid cusub oo laamiya oo isna laga hirgelin doona xafada laanta hawada ee magalada Boosaaso, jidkaas oo loo bixiyey Beeldaaje Cadilaahi ayaa noqonaya jidkii 12-aad ee laga hirgeliyo magalada Boosaaso mudadii madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu hoganka u hayey dawladda Puntland.

Dhinaca kale madaxweynaha dawladda Puntland ayaa soo kormeeray dhismaha  suuq cusub oo laga hirgelinayo badhtamaha magalada Bosaaso,  dhismaha suuqa cusub ayaa waxaa hirgelinaya dawladda Jaban, wuxuuna suuqani noqon doonaa suuq casriya oo ka kooban afar qaybood oo waaweyn oo dadku ka adeegtaan, suuqaasoo laga hirgeliyey xaafatul Carab.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay mashaariicda cusub ee laga hirgeliyay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in mashaariicdaasi ay qayb ka yihiin qorshayaasha horumarineed ee ay Dawladdu ugu tala gashay magalooyinka Waaweyn ee Puntland.

” Mashaariicda kala duwan ee laga hirgeliyay magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland waa tallaabo hore loo qaaday, waana ku bogaadinayaa mamulka gobolka Bari  iyo kan degmada Boosaaso ka qaybgalkooda fulinta mashaariicdan laga hirgeliyey magaalada Boosaaso, markasta muhiimada waxaanu siinayney horumarinta kaabayaasha dhaqalaha waana ku dedaalaynaa in isbeddel iyo horumarin lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaale ee Puntland, qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kaleba waxaan ku adkaynayaa inay ilaashadaan mashaariicda horumarineed ee laga fuliyey deegaankooda una diyaar garoobaan ka faa’iidaysiga mashaariicda horumarineed ee imaan doona” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
img_9645 img_9648 img_9649 img_9654 img_9656 img_9659 img_9662 img_9667 img_9671 img_9674 img_9675 img_9681 img_9686 img_9690 img_9698 img_9699 img_9702 img_9704 img_9719 img_9725 img_9727 img_9729 img_9732 img_9735 img_9736 img_9742 img_9744 img_9745 img_9749 img_9754 img_9756 img_9759 img_9762 img_9765 img_9780 img_9782 img_9783 img_9791 img_9796 img_9829 img_9830 img_9833 img_9836 img_9840 img_9853 img_9856 img_9858 img_9866 img_9878 img_9885 img_9898 img_9903 img_9905 img_9908 img_9913 img_9919 img_9926 img_9928 img_9930 img_9935 img_9940

The post Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay wadooyin laamiya Bosaso. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>