Garowe (Puntland Post):- Masuliyiinta Shirkada Ceymiska Soomaaliya ee Takaaful qeybteeda Puntland ayaa galinkii danbe ee shalay ku qabtay magaalada Garowe dood cilmiyeed ku saabsan ceymiska Islaamiga ah , waxaana kazoo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Ardeyda Jaamacadda Bariga Africa,Ganacsato iyo Aqoonyahano.
Waxaana diirada lagu saarayay doodan faa,iidada uu leeyahay Caymisku iyo waxa ay ka qabto shareecadda Islaamku.
Gudoomiyaha Shirkadda Takaaful Qeybteeda Puntland Bashiir Ciise Saalax ayaa ka warbixiyey ceymiska Islaamiga iyo faaidoyinka uu u leeyahay bulshada, Isagoona sheegay inay tahay Takaful shirkadd ay wada leeyihiin dadka oo dhami.
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulahi Faraweyne ayaa sheegay in loo baahan yahay Caymiska Islaamiga ah, Wuxuuna sheegay inay ka mid tahay faa,iidooyinka uu leeyahay iyadoo ay si fudud ku heli karaan dad badan oo aan awoodin waxyaabo ay u baahnaayeen.
Gudoomiye Cumar Faraweyne ayaa ugu baaqay Shirkkadda Takaful inay shareecadda islaamka waafajiyaan habka uu ku shaqeynayo Ceymiskoodu.
Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland ayaa kula dardaarmey Shirkada Ceymiska Islaamiga Soomaaliya ee Takaaful inay dadka ugu shaqeeyaan si cadaalada oo aysan noqon kuwo iyagu iskood wax u qabsada.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Dood Cilmiyeed ku saabsan Ceymiska Islaamiga oo lagu qabtay Garowe. appeared first on Puntland Post.