Puntland Post – Munasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa lagu qabtay hoolka Jubba Hotel Garoowe,waxaana kasoo qaybgalay Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Haween, Culima-udiin, saldiin dhaqan iyo marti sharaf kale.

Ujeedka ayaa ah ku dhawaqista Musharaxnimadda xilka Madaxweyne ee Soomaaliya 2016ka,Cabdixakiim Axmed Xaashi oo ka mid ahaa masuuliyiintii u tartamayey xilka aqalka sare ee Puntland u matalilahaa Soomaaliya ,balse aan ku guulaysan.
Musharax Cabdixakiim waxaa uu jeediyey khudbad uu kaga hadlay dhinacyo kala duwan ,waxaana uu hoosta ka xariiqay in uu go,aansaday in uu isu soo taago xilka Madaxweyne Soomaaliyeed doorashadda dadban ee lagu wado in ay soomaaliya ka qabsoonto sanadkaan 2016.
“Waxaan ka mid ahaa gudiyadii dibu heshiisiinta soomaalidda ,xilliyo kala duwan Ayaan waqti galiyey,waxaan ogaaday in markasta ay jiraan meelo laga gacan bidixeeyo in soomaalidu arrimahooda ka arrinsadaan, lakiin lama garto meelaha laga xagal daacinayo,waaa qorshahayga ku jirta in aan xooga saaro dibu heshiisiin soomaalidu leedahay,taasina ay lafdhabar u noqonayso in ay timaado is aaminaad dhab ah”Cabdixakiin Axmed Xaashi. Cabdixakiim Axmed Xaashi waxaa uu sheegay in hadii uu xilka ku guulaysto uu wax ka qabandoono xoogana saari doono ,
- Dibu heshiisiin balaran oo la gaarsiiyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ,iyadoo xooga la sarayo isdhexgalka,is aaminaad iyo isasaamixid dhab ah.
- Ku dhaqanka iyo ku shaqaynta Dastuurka Dalka
- Dibu soo celinta sharaftii,Midnimadii iyo Hanaankii dowladnimo soomaaliyeed ee loo dhanyahay.
- Horumarinta iyo kobcinta adeegyadda Bulshadda Soomaaliyeed.
- Dhismaha ciidankii qaranka soomaaliyeed ,kaasi oo deegaan kasta ciidan laga keenayo ,isla markaana la isku dhafo.
Abwaan Abdiqaadir Shube ayaa isna goobta ka jeediyey gabayo isugu jira guubaabo hogaamiyayasha soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda uu u jeedinayo,dardaaran iyo dowladnimadda ay u bahantahay bulshadda soomaaliyeed.
Wasiirka Dastuurka ,Dimoqradiyadda iyo Arrimaha Faderalka ee Puntland Cali Ciise Oog ayaa u hanbalyeeyey Musharaxa waxaan uu xusay in dowladda Puntland soo dhaweynayso shakhsi kasta oo soomaaliyeed oo u tagan in hogaaminta soomaaliya isla markaana wata qorshe uu dalkan kaga saari karo dhibatada iyo tacadiga ay ka dhaxashay dowlad la,aanta ay mudada kusoo jirtay.
Munasabadda oo saacado badan socotay ayaa waxaa ka hadlay siyaasiyiin,waxgarad,Culimo,Saladiin dhaqan iyo xubn ka mid ah Gudiga doorashooyinka ee doorashadda dadban ee soomaaliya waxaana ay dhamaantood ku dhiirigeliyeen Musharaxa xilka iyo hanka uu isugu soo sharaxay xilkaan Madaxweynenimadda Soomaaliya.
PUNTLAND POST
The post Cabdixakiim Axmed Xaashi oo Garowe kaga dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.