Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne ku Xigeenka Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Saraakiil Ka Tirsan Hay’adda UNOCHA

$
0
0

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Ahna Ku Simaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maanta 31 October, 2016 Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka tirsan hay’adda UNOCHA.

Saraakiisha uu Madaxweyne ku xigeenku ku qaabilay xafiiskiisa waxaa kamid ahaa Mr. Justin Brady oo ah madaxa hay’adda UNOCHA ee Soomaliya oo qaabilsan xafiiska kaalmada bini’aadanimada ee UN-ka iyo sidoo kale madaxa xafiiska UNOCHA ee Puntland Mr Francis iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cismaan.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Ahna Ku Simaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa saraakiisha hay’adda UNOCHA kala hadlay arrimaha abaaraha oo ay Dawladda Puntland hore ugu dirtay beesha caalamka baaq la xiriira sidii Puntland loogu soo gurman lahaa, maadaama ay qaar kamid ah deegaanada Puntland ka jiraan abaaro saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Ahna Ku Simaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa hay’adda UNOCHA uga mahad celiyey sida ay ugu howlan tahay inay ka qayb qaadato gurmadka loo samaynayo dadka ay abaartu saamaysay ee ku dhaqan qaar kamid ah deegaanada Puntland.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

dsc02049 dsc02056 dsc02063 dsc02068 dsc02074 img_1442 img_1447 img_1491 img_1492 img_1507 img_1514

The post Madaxweyne ku Xigeenka Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Saraakiil Ka Tirsan Hay’adda UNOCHA appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>