Garowe (Puntland Post):- Xildhibaan ka tirsan Guddiga Qorsheynta iyo Siyaasadda ee Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa warbaahinta usoo bandhigay cadeymo ka dhan ah Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ka dib markii uu sheegay inuu ku guul dareystay Madaxweynuhu inuu ka jawaabo su,aal maalmo ka hor uu ku waydiiyay furitaankii kalfadhiga 38aad ee baarlamanka inay jirto lacag Dowlada Federalka Soomaaliya ay siisay Puntland .
Xildhibaan Cismaan Diiriye Kulane ayaa sheegay inay Dowlada Federalku siisay Puntland lacag cadadkeedu dhan yahay 7 milyan iyo 750 kun oo dollar taas ooo uu sheegay Xildhibaanku inay qeyb ka ahayd lacag 20 Milyan ah oo mar sii horeysay loo qeybiyay maamulada Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.
Mudanahan ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa ka codsaday Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya inuu caddeeyo lacagtaan ka dib markii uu sheegay inuu ku inkiray Madaxweynaha Dowlada Puntland, Islamarkaana markii uu waydiiyay uu Madaxweynuhu ka dalbaday Xildhibaan Kulane inuu horkeeno cadeynteeda Baarlamanka Puntland.
Xildhibaan Cismaan Diiriye Kulane ayaa hoosta ka xariiqay inay kasoo gaartay lacagtani Soomaaliya dalka Sucuudiga, Islamarkaana uu horey u waydiiyay arrimo la xiriira Wasiirka Maaliyadda Dowlada Puntland.
Daawo Xildhibaan Kulane oo ka hadlaya Arrintaas.
Ciwaanka hoose ka daawo su,aalihii baarlamanka iyo Jawaabihii Madaxweynaha Puntland
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Xildhibaan soo bandhigay cadeymo ka dhan ah Madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.