Wararka naga soo gaaraya Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Maraakiib dagaal ay ku dhawaadeen xeebta Magaaladaasi oo ay wali ku sugan yihiin dagaal yahano sheegtay in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.
Guddoomiyaha Degmada Qandala ee Gobolka Bari Jaamac Maxamed Kuurshe ayaa sheegay in xeebta Qandala ay ku soo dhawaadeen Maraakiib ay wataan Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Degmada ay wali gacanta ku hayaan dagaalyahano katirsan Daacish ayna inta badan dadkii shacabka ahaa halkaasi isaga barakaceen.
“Anigu Bosaso ayaa ku suganahay wali deegaanka waxaa jooga kooxihii Daacish iyo dad aan badneyn qoysas badan ayaa ka soo barakacay oo Boosaaso iyo meelo kale gaaray”ayuu yiri Guddoomiye Jaamac Maxamed Kuurshe.
Dhinka kale Ciidamada Puntland oo xeebaha iyo birigaba deegaankaas gaaray maalmo ka hor ayaa qorsheynaya in ay xoog uga saaraan Kooxda Daacish ee saldhiga ka dhigatay Degmada Qandala.
Degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa ah deegaan xeebeed muhiim ah, waxayna Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari u jiraa qiyaastii 80-KM.
PUNTLAND POST
The post Maraakiib Dagaal oo gaartay Xeebta Qandala iyo Puntland oo Qorsheynaysa in ay dib ula wareegto appeared first on Puntland Post.