Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22743

Guddiga Doorashada Dadban oo ka horyimid go,aan maanta kasoo baxay Garowe

$
0
0

Garowe(Puntland Post):-Gudiyada doorshada dadban ee Federalka iyo Puntland oo caawa shir jaraa,iid ku qabtay magaalada Garowe ayaa si wada jir ah warfidiyeenka ugu sheegay inaanu kasoo qaad lahayn amar ay maanta soo saareen Gudiga xalinta khilaafadka ee Puntland u matalaya Xildhibaada aqalka hoose

Xubnaha la hadlay caawa saaxafadda ayaa sheegay in dhawaan la dooran doono Xildhibaanada aqalka hoose u matalaya shan beelood oo ay maanta sheegeen Guddiga Xalinta Khilaafaadku in la hakiyay 5 beelood in lagu tartamo kuraasta ay ku leeyihiin Aqalka hoose.

Waxay intaas ku dareen inay joojin karaan arrimaha la xiriira doorashada Gudiga Doorashada dadban ee heer federaal oo kaliya,waxayna sheegeen inaan waxba iska badalayn qorshihii horre ee Gudiga doorashada dadban ee heer Puntland uu shaaciyay shalay .

Kala soco goor dhow faahfaahinta iyo muuqaalka shirka jaraa,iid ee caawa PUNTLAND POST

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Guddiga Doorashada Dadban oo ka horyimid go,aan maanta kasoo baxay Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22743

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>