Garowe (Puntland Post):- Kulan maanta ay isugu yimaadeen magaalada Garowe tiro ka badan 15 Nabadoon oo kazoo jeeda Gobolka Nugaal ayaa baaq ugu jeediyay Dowlada Soomaaliya,Dowlada Puntland,Guddiga Doorashooyinka Heer Federal,Beesha Caalamka iyo Issimada inay deg deg wax uga qabtaan cabashooyinka kasoo yeeraya beelaha oo ku aadan doorashada 2016-ka.
Nabadoonadan ayaa ku eedeeyay Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Puntland inaanu dhex dhexaad ka ahayn doorashada aqalka hoose , Iyagoona sheegay inuu hab khaldan ku wado qaabka soo xulida ergooyinka iyo musharaxiinta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.
Odoyaashan ayaa afduub ku tilmaamay hanaankii la filayay inay ku qabsoonto doorashada aqalka hoose , waxayna ka digeen xaalad amni daro oo soo wajahda Gobolka haddii aanan la tix galin doorka nabadoonaddu ku lahaayeen soo xulista ergooyinka iyo musharaxiinta Aqalka hoose.
Daawo Muuqaalka Nabadoonadda.
Waxay sheegeen inay taageersan yihiin qoondada haweenka ee %30 , Iyagoona hoosta ka xariiqay in nabadoonada beesha Ciise Maxamuud siiyeen mid ka mid ah kuraasta aqalka hoose ay ku leeyihiin Ambasador Sureer Abshir Muuse, Balse la dhinac maray go,aankooda, islamarkaana ay afduubeen siyaasiin ay sheegeen inay dano gaar ah leeyihiin .
Hadalka Odoyaasha ayaa kusoo beegmaya ka dib markii ay maanta shaaciyeen Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Puntland in %90 ay soo xeroodeen ergooyinkii dooran lahaa Xildhibaanada Aqalka hoose u matali doona Puntland, Islamarkaana bilaabmayso doorashadu todobaadkan gudihiisa.
Fiirso sawiradda Nabadoonadda
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post “Daawo” Nabadoonada Nugaal oo ka digay khal-khal ku yimaada Doorashada Baarlamanka appeared first on Puntland Post.