Gudiga dib u dhiska isbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay halka ay marayso hawlaha isbitaalka iyo lacagihii ay gudoonsiiyeen jaaliyadaha kala duwan.
Gudoomiyaha gudiga dib u dhiska isbitalka guud ee gobolka Mudug ayaa sheegay in ay haatan ay soo gab gabeeyeen wajigii koowaad ee Dhib u dhiska Isbitaalka weyn ee gobolka Mudug, iyaga oo sheegay in ay doonayaan in dhawaan la bilaabo dhismaha naqshadda cusub ee isbitaalka.
Gudiga ayaa sheegay in ay heleen lacag gaaraysa $ 140,002 (Boqol iyo afartan kun iyo Laba doolar), taas oo kasoo ururtay umadda Reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhamaantood gacan ka geystay dhismaha isbitaalka.

The post Gudiga dib u dhiska isbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo oo soo bandhigay halka ay wax u marayaan appeared first on Puntland Post.