Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay Maamul Goboleedyada, Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal iyo dowlad goboleed iyo guddiga xalinta qilaafaadka In ay ka fogaadaan doorashada soomaliya ka dhacaysa in la Masuq-maasuqo.
“Maamul Goboleedyada, Guddiga doorashooyinka dadban heer Federaal, heer dowlad goboleed, guddiga xalinta qilaafaadka waxaan ugu baaqayaa in ay ka foogadaan wax walba oo keeni kara in masuq-maasuq lagu sameeyo doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka,
waxaan sidoo kale ugu baaqayaa madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo siyaasiyiinta Soomaliyeed in ay dhankooda dardargaliyaan sidii doorashada Soomaliya ay ugu dhici laheyd sidii loogu talagalay”, ayuu yiriMadaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in ay dhankooda ka qeyb qaataan sidii doorashada Soomaliya ka dhacaysa aysan carqalad ugu imaanin laheyn.
PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Somalia oo ka digay in Doorashada dalka La Musuq Maasuqo appeared first on Puntland Post.