Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Faah Faahin Dagaal Culus oo ka qarxay Magaalada Gaalkacyo

$
0
0

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee  Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Galmudug uu ka bilaawday Magaaladaasi.

Dagaalkani ayaa la isku adeegsanayo hub noocyo kala duwan leh waxaana uu qarxay uu goordhaweyd oo Saakay ah.

Wariyaal iyo Dad Goobjoogayaal ah oo ku Sugan Gaalkacyo ayaa kusoo waramaysa in Labada Ciidan ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan leh islamarkaana dadkii ku harsanaa Magaalada Gaalkacyo  ay bilaabeen Saakay  in ay ka barakacaan.

Warar hordhac ah oo Dagaalka ingaa soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhowaad 3 Ruux ay dagaalkaasi ku dhinteen.

Dagaalka saakay dib uga qarxay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa noqonaya mid jabiya heshiis Nabadeeda oo madaxda  Galmudug iyo Puntland ay kuwada gaareen Magaalada Abu Dubia ee dalka Isutaga Imaaraadka caraba, kaasi oo dhigayay in la joojiyo colaada Magaalada islamarkaana 20-bishaan shir la iskugu yimaado Magaalada Kismaayo.

PUNTLAND POST

The post Faah Faahin Dagaal Culus oo ka qarxay Magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>