Gaalkacyo (Puntland Post):- Dagaalo aad u qaraar oo subaxnimadii horre ee maanta ka qarxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa wararku sheegayaan inay ka dhasheen khasaare baaxad leh islamarkaana dhimashada labada dhinac ay kor u dhaafeyso 40 qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan Puntland iyo Galmudug.
Dagaalkan maanta ayaa ka duwanaa dagaaladii horrey uga dhacay Gaalkacyo, waxaana uu ahaa mid uu ka dhashay khasaare baaxad leh.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa soo gaarsiiyay sawiradda mid ka mid ah gadiid dagaalka oo ay sheeegeen in ay ku qabsadeen dagaalkii maanta.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo ka warbixisay dagaalka maanta oo kusoo beegmaya xilli ay heshiis kala saxiixdeen Madaxweynayaasha labada maamul.
Kala soco faah-faahin dheeriya

PUNTLAND POST.
The post Khasaare baxaad weyn oo ka dhashay Dagaalkii Maanta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.