Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22749

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo Tababar u furtay Madax-qaybeedyo Hor-leh.

$
0
0

Wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland ayaa maanta tababar socon doona muddo 5-maalmood ah u furtay Madax-qaybeedyada Farsamada Kumbuyuutarrada iyo Tik noolojiyadda ee ICT (Information and Communication Technology) oo dhowaan ku soo baxay imtixaankii ay qaaday hay’adda shaqaalaha rayid ah ee dawladda Puntland.

Madax-qaybeed yadaan cusub ayaa tiro ahaan dhan 9 xubnood oo ku biiri doona 45 Madax-qaybeed oo ay hore u qaadatay dawladda Puntland kuwaas oo ka mid ah mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee uu Bangiga adduunku uu ka taageerayo dawladda Puntland.

Munaasabaddii Furitaanka Tababarka ayaa waxaa hadallo kasoo jeediyey xubno meteleyey hay’adda shaqaalaha rayidka ah iyo Wasaaradda maaliyadda, waxaanay ka war bixiyeen habkii loo soo maray qaadashada shaqaalahaani cusub iyo rajada laga filayo marka ay si rasmi ah xafiisyadooda u fariistaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Axmed Cabdalla Tigaana oo isaguna goobta hadal ka jeediyey ayaa xasuusiyey Madaxqaybeedyada tababarka loo qabtay in ay ka hawl-geli doonaan xarumo dawladeed oo muhim ah isla markaana looga baahan yahay in ay xilweyn iska saaraan ilaalinta xogta dawladda.

Ugu dambayn Wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Cabdirisaaq Shire Ismaaciil oo tababarka furay ayaa Madaxqaybeedyada cusub ee Farsamada Kumbuyuutarrada kula dardaarmay in noqdaan kuwo is beddel dhab ah ku sameeya nidaamkii hore ee loo maarayn jirey xogta dawladda isla markaana ka dhigaan mid la jaanqaadda qaababka casriga ah iyagoo ka faa’iidaysanaya tiknoolojiyadda casriga ah ee ay adeegsato dunida horumartay.

Madaxqaybeedyadaan cusub ee maanta tababarku u xirmay ayaa geba-gebo u ah wejigii koobaad ee Madaxqaybeedyo gaaraya 54-Madax-qaybeed oo ay qaadatay dawladdu, kuwaas oo ka hawlgeli doona xarumaha kala ah. Madaxtooyada, Bangiga dawladda, Hay’adda shaqaalaha rayidka ah, Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta, Beeraha, Kalluumaysiga, Xannaanada Xoolaha iyo wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha.

—DHAMMAAD—20161106_094205 20161106_095545 20161106_095755 20161106_095802 20161106_095817 20161106_095835 20161106_095854 20161106_095903 20161106_095904 20161106_095921 20161106_100405 20161106_100754 20161106_101307

The post Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo Tababar u furtay Madax-qaybeedyo Hor-leh. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22749

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>