Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Wareysi Dagaalkii Maanta Gaalkacyo Taliyaha Ciidanka DANAB Puntland

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Ka dib dagaal qaraar oo maanta ku dhex maray Galmudug iyo Puntland magaalada Gaalkacyo Islamarkaana sababay dhimashada ilaa 40 qof waxa u suurto gashay caawa inay khadka telefonka Warbaahinta PUNTLAND POST kula yeelato Wareysi lagu faahfaahinayo dagaalkii maanta Col Jimcaale Jaamac Takar oo ah Taliyaha Ciidanka Kumaandoosta Puntland.

Col Jimcaale Jaamac Takar oo ka mid ah Saraakiisha hogaaminaysa Ciidanka Puntland ee ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay inuu ka duwanaa dagaalkii maanta dagaaladii horrey Gaalkacyo ugu dhex maray Puntland iyo Galmudug.

Waxa uu sheegay Col Jimcaale inuu gaarayo khasaaraha dhinacooda dhimashada 12 askari , Wuxuuna sheegay dhinaca kale oo uu ku eedeeyay inay soo qaadeen weerarka uu ku bilowday dagaalku inay ka dhinteen tiro ka badan 50 sida uu hadalka u dhigay Taliyaha Ciidanka Kumaandoosta Puntland oo caawa khadka Telefonka kula hadlaya PUNTLAND POST.

Jimcaale Jaamac Takar ayaa sheegay inay qeyb ka ahaayeen Alshabab iyo Ciidamo ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya dagaalka maanta Ciidanka Puntland dhex maray Galmudug, wuxuuna intaas ku daray inay hayaan cadeymo muujinaya Alshabab inay qeyb ka ahayd dagaalkii maanta.

Daawo Wareysiga Col Jimcaale uu khadka Telefonka kula yeeshay Wariye Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Wareysi Dagaalkii Maanta Gaalkacyo Taliyaha Ciidanka DANAB Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>