Waxaa dagan xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo ay shalay ku dagaalameen Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.
Goobjoogayaal ku sugan Gaalkacyo oo aan la xariirnay ayaa noo xaqeejiyay in hadda xaaladu ay tahay mid dagan oo aanay jirin wax dagaal ah.
Inkastoo aanay furneyn goobaha ganacsi iyo goobaha waxbarasho ayaa haddana waxaa la dareemayaa xasilooni.
Waxaa arintaasi bar bar socdo xiisad iyadu ka jirta Magaalada Gaalkacyo waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi xili kasta uu dagaal ka dhaco.
Majirto ilaa iyo iminka cid kala dhaxgashay dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Gaalkacyo, hayeeshee waxaa iska soo daba dhacaya baaqa Culimada, cuqaasha iyo nabadoonada oo ah in dagaalkaasi la joojiyo.
Puntland iyo Galmudug ayaa midba midka kale ku eedeynayaa in uu dagaalka soo qaaday, uuna jabiyay heshiiskii ay Abu Dhabi ku wada gaareen.
Dagaalkii shalay oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ku dhintay in ku dhow 50 Ruux in ku dhow 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Wixii ku Soo Kordha Xaalada Gal-kacyo dib kala soco Puntland Post Insha allah
The post Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo Dagan appeared first on Puntland Post.