Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Ciidamada Puntland oo Weeraray Qandala

$
0
0

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa ku waramaya in ciidamo hubeysan oo a tirsan kuwa Puntland in ay xaley weerar ku qaadeen Degmada Qandala ee Gobolka bari.

Ciidamada weerarka qaaday oo saarnaa Doomo dagaal ayaa lagu soo waramayaa in ay dhowr jiho ka weerareen Degmada Qandala islamarkaana dagaal uu dhexmaray Ciidamada Puntlad iyo kooxda Daacish ee maalmihi la soo dhaafayay maamuleysay degmadaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan islamarkaana hub culus ay labada dhinac is weydaarsadeen ayaa waxaa jiro qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac wallow aan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay qasaaraha soo kala gaaray labada ciidan ee dagaalamay.

Degmada Qandala waa Degmo qadiimi ah islamarkana dhacda gobolka Bari waxana degmadaan ay leedahay xeeb iyadoona dhawaan ay gacan ku heynta degmadaasi ay la wareegeen xoogaga Daacish.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo Weeraray Qandala appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>