Waxaa dhowr magaalo oo waaweyn oo ku yaalla dalka Mareykanka ka dhacay banaanbaxyo lagu diidan yahay Madaxweynaha cusub ee Donald Trump.
Kumanaan qof ayaa hor dhoobtay dhismaha weyn Trump Tower ee magaalada New York, kuwaas oo diidan siyaasadaha Donald Trump ee dhanka soo galootiga, xuquuqda nimow naagga, iyo xuquuqda dhalmada.
Kumanaan qof oo kale oo arday u badan ayaa iyaguna sugu soo baxay magaalooyinka Chicago, Philadelphia iyo San Francisco. Portland, Oregon iyaga oo ku dhawaaqayay “ma aha madaxweynahayga”, kalmadaas oo aad looga isticmaalayo baraha bulshada gudaha Maraykanka, waxayna mudo yar xireen wadooyin waaweyn oo gawaaridu marto.
Dhanka kale Donald Trump ayaa lagu wadaa galinka dambe ee maanta in uu la kulmo Madaxweyne Obama.
PUNTLAND POST
The post Banaanbaxyo lagu diidan yahay Trump oo ka Dhacay Mareykanka appeared first on Puntland Post.