Karkaar (Puntland Post):- Ka dib markii ay ku dhufteen deegaanada Puntland abaaro kulul oo sababay in dad biyo la,aan iyo cunto la,aan ugu geeriyoodan ayay kasoo qeylo dhaamiyeen xubno ka mid ah guddiga culimo ah oo dhawaan Wasiirka Cadaalada Puntland u magacaabay taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen ka dib socdaal culimadu in dhawaale ku marayeen deegaano ka tirsan Gobolada Sool,Bari iyo Karkaar.
Sheekh Yaasiin Cabdulaahi oo ka mid ah guddiga Culimada ayaa ugu baaq dhamaan ummada Islaamka, Soomaalida, iyo Cid kasta oo ku shaqo leh arrimaha bini,aadamnimada inay gurmad deg deg ah lasoo gaaraan dadka iyo duunyada la ildaran abaarta ku dhufatay deegaanada Puntland.
Ka dib xiriir uu lasoo sameeyey PUNTLAND POST Sheekh Yaasiin Cabdulaahi waxa uu sheegay inaysan meel dayan xoolaha ku le,anaya abaaraha ka jira Puntland, Isagoona hoosta ka xariiqay in iminka khatar ku jirto xaalada dadka ku nool dhulka miyiga.
Daawo Wareysiga Wariye Abshir Dhiirane uu la yeeshay Sheekh Yaasiin
Sheekh Yaasiin ayaa intaas ku daray in guddiga culimadu indhahooda kusoo arkeen mudadii ay ku guda jireen socdaalka loogu kuurgalayo abaarta xaalad aad u qalafsan oo ka jirta miyiga Puntland , Islamarkaana sawirka laga bixin karo oo kaliya ay tahay sidii loogu istaagi lahaa in gurmadyo deg deg la gaarsiiyo dadka abaartu saamaysay.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Maxaad kala socotaa Xaaladda Abaarta Puntland ? appeared first on Puntland Post.