Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Shirkii Gaalkacyo oo laga soo saaray qodobo heshiis ah

$
0
0

Gaalkacyo(Puntland Post):- Maanta waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay  kulan dhex maray Puntland iyo Galmudug, kaas oo ay ka qayb galeen madaxweynaha Puntland, madaxweynaha Galmudug, Ra’iisul wasaaraha  dowladda Federaalka, wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Qodobada labada dhinac ku heshiiyeen maanta ayaa ka koobnaa, in xabadda si shurrud la’aan ah lagu joojiyo, in lasoo celiyo dadkii ka barakacay magaalada , iyo  in Guddi loo saaro  soo afjaridda colladda Mudug oo shirkeeda uu ka dhacayo Kismaayo.

Dhamaan mas’uuliyiintii maanta hadlay waxa ay isku raaceen sida ay muhiim u tahay in colaada Gaalkacyo xal laga gaaro, lamase oga in ay hadaladooda ficil loo bedeli doono, iyadoo horay heshiisyo noocaas ah la isla gaaray.

AKHRISO Qodobbada Heshiiska ay Gaareen Puntland iyo Galmudug;
heshiiska

PUNTLAND POST

The post Shirkii Gaalkacyo oo laga soo saaray qodobo heshiis ah appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>