Garowe (Puntland Post):-Agaasimaha Waaxda Taya-dhowrka iyo Kormeerka Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa ka dib kormeer uu maanta ku tagay qaar ka mid ah Iskuulada ku yaala magaalada Garowe, wuxuu ugu baaqay guud ahaan Iskuulaadka Puntland in la bilaabi doono Imtixaanka Teeramka marka la gaaro bisha 1aad sanadka 2017.
Cabdulqadir Yuusuf Nuux ayaa saaka soo saaray jadwalka imtixaamka mid-termka Exams, wuxuuna si gaar ah fariin ugu diray Gudoomiyayaasha Waxbarashada iyo Kuwa Degmooyinka oo uu ku wargaliyay in la bilaabi doono bisha 7 bisha January 2017, Islamarkaanaa uu ku egyahay 14 bisha Janaayo 2017.
Sidoo kale agaasimaha ayaa xusay iskuulada magaalada Galakacayo, wuxuuna sheegay in si gooniya Ardeyda dhigata Iskuulada Gaalkacyo loola socon doono xaaladooda.
Wuxuu hoosta ka xariiqay Agaasimaha Waaxda Taya-dhowrka iyo Kormeerka Wasaaradda Waxbarashada Puntland inaan la furi Karin Dugsi hoose,Mid dhexe iyo Mid sare oo aan ogolaansho ka haysan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Puntland.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Jadwalka Imtixaanka Ardeyda iyo Iskuullada Puntland oo la bandhigay appeared first on Puntland Post.