Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo ku guuleystay Doorashada Aqalka Hoose

$
0
0

Siciid Xuseen Ciid oo ahaa Wasiirka xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee xukuumada Federaal Soomaliya ayaa ku guulaystay Kurisigii 13-aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Siciid Xuseen Ciid ayaa helay 48 cod ,halka Musharixii la tartamayey Maxamuud Rooble Maxamed uu isna helay 1 cod, waxaana xumaaday hal cod.

Doorashada ayaa haata si toos uga socota magaaladda Garowe waxaana lagu tartamaya 7 Kursi oo 2 ka mid ah ay ku tartamayaa Haween kaliya taasi oo qayb ka ah qoondada haweenka.

Wejigii koowaad ee doorashada xubnaha Aqalka hoose ee Puntland oo dhowaan lagu qabtay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku soo baxay illaa 12 xildhibaan oo ka mid ah 37-ka xildhibaan ee laga rabo Puntland.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo ku guuleystay Doorashada Aqalka Hoose appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>