Garowe (Puntland Post):- Qoysas fara-badan ayaa ku barakacay abaarta ku dhufatay deegaano ka tirsan Puntland,Waxayna muujinayaan sawiro ay usoo direen PUNTLAND POST guddiga culimada ee kormeerka ku maraya deegaano ka tirsan Goboladda Nugaal, Bari, iyo Karkaar reer guuraa fara-badan oo ku cayroobay abaarta ku dhufatay dhulka Puntland.
Sida ka muuqata Sawiradda hoose abaarta ka jirta Puntland ayaa sababtay inay xoolahoodii ku waayeen Qoysas fara-badan oo reer miyi ah, kuwaas oo aanan haysan cunto iyo biyo midna.
Qaar ka mid ah guddiga culimada ee u kuurgalaya xaalada Abaarta ayaa u sheegay PUNTLAND POST in marba marka ka danbeysa xaaladu kasoo dareyso islamarkaana looga baahan yahay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool gudaha iyo dibadda sidii ay ugu baraarugi lahaayeen xaalada cakiran ee ka jirta dalkooda.
Daawo Sawiradii ugu danbeeyay oo laga soo qaaday abaarta ku dhufatay deegaanada PUNTLAND.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post “DAAWO” Qoysas badan oo ku barakacay abaarta ku dhufatay Puntland appeared first on Puntland Post.