Isku soo bax roob doon ahaa ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya iyadoo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya iyo qaar kamid ah shacabka Muqdisho.
Isku soo baxaan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid alle loogu baryaayay in umadiisa uu ka dulqaato abaarta islamarkaana uu siiyo roob ay ku diirsadaan dadka iyo duunyada oo xiligaan la daaladacaya abaaro iyo kuleylo daran.
Dadkii kasoo qeyb galay Isku soo baxaan oo iskugu jirey Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta ee Xukuumadda Soomaliya, Culu’maaudiin, macalimiin, ardey waxkabarata dugsiyada Qur’aan iyo qaar kamid ah haweenka ku nool Gobolka Banaadir ayaa labo rakaco oo salaada alle bariga ku tukaday Masaajidka weyn ee isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho.
Salaada kadib waxaa dadkii kasoo qeyb-galay isku soo baxa roob doon-ka ahaa la hadlay Agaasimaha Waaxda diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo diinta Sheekh Cali Maxamuud Sheekh Cali Dheere isagoo ugu digay shacabka muslimiinta ah in aysan dhihin Salaadii roob doon-ka waa la Tukaday lamana haayo roobkii, islamarkaana roobka marna uu soo daaho, marna uu soo degdego.
Hoos ka dhageyso Warbixin.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Dibad Bax Roob Doon Ah oo Muqdisho ka dhacay appeared first on Puntland Post.