Garowe (Puntland Post):- Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Dowlada Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa maanta daahfurtay shir dib u eegis lagu samaynayo Mashaariicda Daryeelka Caruurta ee Sanadkii 2016 Islamarkaana lagu qorsheynayo kuwa 2017.
Shirkan waxaa kazoo qeyb galay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradda Haweenka, Cadaalada,Arrimaha Gudaha, Caafimaadka,Shaqada iyo Shaqaalaha, Isu duwayaasha wasaaradda haweenka iyo Saraakiil ka socota Hay,adda UNICEF oo Wasaaradda kala shaqeeya arrimaha Daryeelka Caruurta Puntland.
Shirkan ayaa looga faaloonayaa Waxyaabihii ka qabsoomay mashaariicda Daryeelka Caruurta sanadkii 2016 ,Caqabadihii jiray, iyo Qorsheynta mashaariicda Daryeelka Caruurta Puntland ee sanadka 2017 .
Wasiir Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa uga mahadcelisay hay,adda UNICEF iyo Hay,addaha kale ee kala shaqeeya arrimaha daryeelka caruurta , Iyadoona sheegtay in guulo badan laga gaaray arrimaha daryeelka caruurta Puntland sanadkii 2016.
Aniso Cabdulqaadir ayaa xustay in loo baahan yahay in la qorsheeyo mashaariic waxtar dhab ah u leh caruurta Puntland iyo Sidii looga bad baadin lahaa kuwa ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.
Hoos ka daawo Sawirada
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST.
The post Wasiirka Haweenka oo daahfurtay shirka daryeelka caruurta Puntland appeared first on Puntland Post.