Melbourne (Puntland Post):- Jaaliyadda Soomaalida ee Qaaradda Australia ayaa soo sagootisay 22 ciyaartooy ah oo kooxaha kubadda cagta kula ciyaari doona Magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa, Kuwaas oo qorshahoodu yahay sidii ay caalamka ugu muujin lahaayeen heerka nabada ee ka jirta Puntland iyo Somaliland.
Kooxdan oo ka mid ah Naadiyadda Kubbadda Cagta ee ka dhisan magaalada Melbourne dalka Australia ayaa marti-qaadyo ka helay Dowlada Puntland iyo Somaliland, waana markii ugu horeysay oo koox ka timid Qaaradda ugu danbeysa Adduunka oo ay soo gaari doonto dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Maamulka Somaliland iyo Puntland.
Maxamed Cali Maxamed Diriri oo ka tirsan guddiga abaabulka ciyaartooyda ku wajahan Puntland iyo Somaliland ayaa u sheegay PUNTLAND POST inuu salka ku hayo ujeedada ugu weyn ee dhalinyaradani oo ah Soomaali ku nool Australia sidii ay isbarasho iyo aqoon kororsi ula wadaagi lahaayeen dhigooda ku nool dalka Soomaaliya.
Wuxuuna sheegay Maxamed Cali Dirir inay ka heleen Dowlada Puntland Caasumaad ka dib markay kazoo dalbadeen dhawaan , Isagoona sheegay inuu noqon doono muddo labo isbuuc ah socodka dhalinyarada ciyaartooyda ee ka tagay Australia .
Daawo Sawirada Ciyaartooyda ku wajahan Puntland iyo Somaliland.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Ciyaartooy Reer Australia ah oo kusoo wajahan Puntland iyo Somaliland. appeared first on Puntland Post.