Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Xasan Sheekh oo ka digay in ciidamo hubeysan lala galo goobaha doorashooyinka

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowlad gobolleedyada dalka, guddiyada doorashooyinka, ciidamada qaranka Soomaaliyeed, ciidamadda dowlad gobolleedyada iyo kuwa AMISOM habsimi u socdka doorashooyinka Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ka jira, doorkooda ku aadan sida habsamida iyo dimuquraadiyada leh ee ay u dhacayaan doorashooyika Golaha Shacabka, waxaan ugu baaqayaa madaxda dowlad gobolleeyada inay xoojiyaan dedaaladooda ku aadan in doorashooyinka Golaha Shacabka si wanaagsan ku soo gaba-gaboobaan” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaweynaha ayaa uga mahadceliyey ciidamadda qaranka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka dowlad gobolleedyada dalka ka jira sugidda ammaanka goobaha iyo magaalooyinka ay ka socdaan dorashooyinka aqalka hoose. Madaxweynaha ayaa ku baaqay in aanan ciidamo hubeysan oo aanan ahayn kuwa ku howlan sugidda ammaanka goobaha codbinta aanan loo oggolaan gudaha iyo agagaarka goobaha ay ka socdaan doorashooyinka Aqalka Hoose.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ilaalinta habraaca doorashooyinka ee Madasha Qaranku horey u go’aamisay, guddiyada doorashooyinkana ay ku howlgalaan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan hay’adaha hirgelinta doorashooyinka in tabashooyinka jira lagu xaliyo nidaamka oo baaritaano dhab ah laga sameeyo. Madaxweynaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in waxii khilaaf ah ee jira ee si nabad ah ama dhaqan ah loo xalin waayo loo gudbiyo hay’adaha iyo guddiyada u xilsaaran si xal sharci ah looga gaaro oo waafaqsan hannaanka doorashooyinka ee lagu heshiiyey. Maadaama doorashooyin noocan oo kale ah aan dalka mudo ka badan 47 sano ah lagu qaban, haddana waxaan rabnaa in doorashooyinka ay ku soo gabogaboobaan si habsami leh. Sidoo kale waxaan shacabka ugu baaqayaa inay kaalin wanaagsan ka qaataan sidii doorashoyinka noogu qabsoomi lahaayeen.

Dhanka kale arintan ayaa ku soo aadaysa ka dib markii wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya lagu eedeeyay in ilaaladiisii rasaas ka bilaabeen xarunta doorashada  Maamulka Hirshabeelle.

PUNTLAND POST

 

The post Xasan Sheekh oo ka digay in ciidamo hubeysan lala galo goobaha doorashooyinka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>