Ugu yaraan 96-qof ayaa ku dhimatay shilkaan oo ka dhacay waqooyiga gobolka Uttar Pradesh kadib markii uu shilgalay tareen ka koobnaa 14 qaybood sidaas waxaa xaqiijiyay booliska.
Dhacdadaan ayaa dhacday subaxnimadii hore ee saakay balse tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay shilkaas ayaa sara usii kacday waxaana tirada dhumashadu ay gaartay 96 qof ayadoo 150 kalana ay dhaawacyo kala duwan ay soo geereen welina waxaa laga cabsi qabaa in khasaaruhu uu sara usii kaco.
Dadka ay wax yeeladu soo gaartay ayaa intooda badan saarnaa qaybaha hore ee tareenka kuwaas oo si aad ah u bur buray.
Waa Shilkii ugu qasaaraha badnaa Ee Abid ka dhaca Dalka Hindia.
Hoos ka daawo Sawirada
PUNTLAND POST
The post in ku dhow 100 Qof oo kuu Dhimatay Shil tareen oo ka dhacay Hindiya appeared first on Puntland Post.