Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa tacsi Qaran u diray qoyska, ehelada, qaraabada iyo shacabiweynaha Soomaaliyeed geeridii ku timid alle u naxariistee Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle.
“Xildhibaan Daahir wuxuu ahaa shaqsi dadaal badan oo howlaha Qarankana si sharciga waafaqsan u guta, waxaana alle baryeynaa inuu jannadiisa geeyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tacsi u diray xubnaha golaha Baarlamaanka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.
Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa dhawaan loo doortay Mudane ka tirsan Baarlamaanka F. Soomaaliya, isagoo horeyna uga mid ahaa Baarlamaankii hore.
PUNTLAND POST
The post Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka Tacsiyeeyey Geeridii Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle appeared first on Puntland Post.