Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle ( Cumar Dhagey) oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorshooyinka dadban oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socdaan doorashooyinka xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deegaanada dowlad Goboleedka dalka ka jira.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in ilaa iyo hada la doortay 155 xildhibaan oo 20 ka mid ah yihiin dumar , waxaana uu sidoo kale sheegay in doorashada Aqalka Sare la doortay 43 xubnood , halka doorashada Aqalka Hoosana la doortay 112 mudane.
Sidoo kale Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Dadban Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan sidoo kale Musuq maasuq la sheegay in ay sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee guuleystay xubnaha aqalka Hoose iyo aqalka sare ee baarlamanka Federaalka Soomaliya.
PUNTLAND POST
The post Guddiga Doorashada oo ku Dhawaaqay Tirada La Doortay ee Aqalka Hoose appeared first on Puntland Post.