Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka ka tirsan Dowlada Canada oo shahaado gudoonsiiyay Gudoomiyaha Hay,adda SCERDO (Jamaal),Sawiro.

$
0
0

Guddoomiyaha guddiga fulinta ee hay’adda waxbarashada iyo horumarinta reer miyiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano SCERDO ayaa ku guuleystay Shahaadada Sharafta loo yaqaano “Paul Yuzky Award 2013” oo sanadkiiba hal qof la gudoonsiiyo wadankan Canada.

7Shahaado sharaftan ayaa waxaa sanadkiiba mar bixiya wasiirka Socdaalka iyo dhaqanka ee dalka Kanada Hon. Jason Kenney iyadoo lagu qiimeeyo qofka la siiyo howlaha shaqo ee uu uqabto bulshada kala duwan ee dalkan Kanada.

Xaflad Bashiir Xaaji Cali (Jamaal) lagu gudoonsiiyay shahaado sharaftan ayaa waxaa lagu qabtay xarunta SCERDO ee magaalada Edmonton iyadoo ay kasoo qayb galeen xildhibaano ka tirsan gobolka Alberta, Madaxda dowladda dhexe ee Dalka Kanada iyo ta degmada Edmonton-ba.

9Waxaa xaflada khudbad qiimo badan ka soo jeediyay wasiirka Socdaalka iyo dhaqanka dalka Kanada Mr. Jason Kenney oo Bashir Xaaji Cali (Jamaal), hay’adda SCERDO iyo waliba shaqaalaha SCERDO ku ammaanay waxqabadka ay muujiyeen tan iyo intii la aasaasey Hay’ada SCERDO iyadoo si gaar ah uu Wasiirku Bashir ugu amaaney sida uu u caawiyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka haysato dhinacyada waxbarashada, shaqada iyo hoggaamintaba.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay shahaado sharaftan inay la socoto lacag dhan $20,000 oo dollar taas oo uu Mr. Bashir u doortay in lacagta la gudoonsiiyo hay’ada SCERDO.

6Bashir oo gudoomay shahaado sharaftan lasiiyay ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay goobta u mahadceliyay marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada sheegayna inuu aad iyo aad ugu faraxsanyahay inuu ku guuleystay shahaado sharafta Paul Yuzky Award ee sanadkan 2013.

1Dhinaca kale Bashiir Xaaji Cali (Jamaal) ayaa ka mid ahaa 30 qof oo ku guulaystay billadda dheemanka ah (Queen’s Diamond Jubilee Medal ) sanadkii hore ee 2012 biladaas oo ay bixiso boqoradda Ingiriiska Queen Elezebeth II. ayaa
sidoo kale Mr Bashir Xaaji Cali (Jamaal) sanadkan noqdey shaqsigii ugu horeeyay ee asal aahan kasoo jeeda Qaarada Afrika oo ku guuleysta shaahado sharaftan Paul Yuzky Award.

8 4 2 3 5Daabacaada : Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>