Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

kooxaha ka danbeeyey falkii Gaalkacyo yey dileen , yeyse dhaawaceen??

$
0
0

Waxaa shacabka reer Puntland ku nool gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ay aad ulla yaabeen qaabkii khaldanaa ee loo soo abaabulay dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo , dadna ku dhinteen ayna ku geeriyoodeen ciidamo dowlada ka tirsan iyo dad rayid ah.

Gaagaab

Shaqsiaaydkii Dabada ka riixayey dhacdadii Gaalkacyo.

Falkaas ayaa la xaqiijinayaa inay ka danbeeyaan kooxaha sheegta mucaaradka kana soo horjeeda nidaamka asxaabta badan ee la doonayo in laga hirgeliyo Puntland inshaa’alah.

Waxyaalaha shacabku ay ka yaabeen ayaa  waxa mid ahaa in la xabadeeyey taageerayaal xisbiga Horseed ka mid ahaa iyo Ciidam ka tirsan dowlada , su’aasha meeshaas ka dhalanaysa ayaa noqonaysa muwaadiniinta la rasaaseeyey waa kuma? , sow maaha muwaadiniin reer Puntland ah oo fikirkooda siyaasadeed u madax banaan, ciidamada la rasaaseeyey sow maaha ciidankii amaanka ee wax ka qabanayey Nabada , mise waa cadow?

Hadaba kooxaha mucaadka sheegtay ee ay ugu horeeyaan Gaagaab iyo C/samad  lana sheego inaan  laga jeclayn Puntland , haday qaateen go’aanka ah gumaad shacabka iyo Ciidanka sow ma haboona in gacan bir ah lagala hortago si looga qabto shacabka ay rasaasta huwiyeen , iyadoo aan la aqoon sababta ay jidkaas khaldan u qaateen ama keeni karta inay rasaaseeyaan shacabka reer Gaalkacyood ama ha noqdaan shacab mudaaharaadayey ama ciidanka ammaanka intaba.

Sikastaba, Waxaa looga baahan yahay shacabka reer Gaalkacyood in ay  ka dhiidhiyaan dhibaatada ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo ahayd dhacdo aad u fool xun oo ay soo abaabuleen wax ma garato sheeganaya in ay reer Puntland yihiin, waxaana dowlada Puntland laga doonayaa in ka dhabasyo warsaxaafadeedka ay soo saartay ee sheegaya in baaritaan ku samaynayaan shaqsiyaadkii ka danbeeyey dhacdadaas ayna  horkeenaan Cadaalada horteeda.

Nina sharciga kuma samaysan karo Gacmahiisa , qofna fowdo kama samayn karo Puntland isagoo u maraya jid khaldan , waxaana dowlada looga fadhiyaa inay qaato Talaabo ay ku kalsoonaan karaan shacabka Puntland, gaar ahaan shacabka Gaalkacyo, laguuna xaqiijin karo nabada gobolka Mudug.

Gaalkacyo waa magaalo xuduuda Puntland ku taal, waxay u baahan tahay wadajir in loo dhowro nabadgalyadeeda. Waayeelka siyaasada Puntland qaabka foosha u maraya waxaa ku haboon inay nabadgelyada gobolka ay ka qayb qaataan , dhalaanka soo korayana ay u tababaraan jid wanaagsan ee ay kaga qayb qaadan karaa dhismaha dalkooda iyo dadkooda.

Waxaa dowlada Puntland looga baahan yahay,  madaama lagu jiro waqti xasaasiya oo Doorasho la gelayo in ay ilgaar ah ku fiiriyaan nabadgelyada gobolka  isla markaana Isimada iyo aqoonyanka kala xaajoodaan habka wax looga qaban karo kooxihii soo maleegay khasaarihii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, si wadajir looga hortago.

Kama danbeys waxaan weydiinaynaa kooxaha ka danbeeyey falkii Gaalkacyo yaad disheen , yaadse dhaawacdeen?? 

Maxamed Jaamac

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles