Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dhakhaatiirta Gobalka Mudug Oo Ka Warbixiyey Xaalada Daryeel ee ay u fidiyeen Dhaawaca Jubbaland iyo Xaaladahoodu siday kala yihiin (Warbixin iyo Sawiro)

$
0
0

Gaalkacyo : Todobaadkan waxaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo Dhaawac laga keenay magaalada Kismaayo ee Xarunta Dowlad Gobaleedka Jubbaland ee Soomaaliya, dhaawaca la keenay Gaalkacyo ayaa gaaraya 49 qof kuwaas oo labo maalmood oo isku xiga la kala keenay. Shalay oo taariikhdu ahayd 3-July-2013 waxaa Airport Gaalkacyo laga soo dajiyey 26 dhaawac ah kuwaas oo ahaa dhaawacyadii Shacabka Jubbaland ee ku waxyeeloobey dagaaladii ka dhacay gudaha magaaalada Kismaayo.

Madaxda Dowladda iyo Bahda Caafimaadka oo Airport ku sugan GaalkacyoDowladda Puntland oo dhaawacaas daryeel u fidisay waxay u saartey masuuliyada dhaawacaas iyo xanaanayntooda Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Maamulka Gobalka Mudug, waxaana la sameeyey diyaar garow xoogan oo la galiyey Isbitaalada waa weyn ee Gaalkacyo, Dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka guud ahaan. Wasaaradda Caafimaadku waxa diyaarisay 10 gawaarida gurmadka deg deg ah iyo shaqaale habeen iyo maalin shaqeeya oo dar yeela dhaawaca Jubbaland.

01Agaasimaha guud ee Isbitaalka Jaamacadda ee Gaalkacyo Dr. Maxamed Xuseen Aadan oo warbaahinta uga warbixiyey xaalada dhaawaca Jubbaland ee Gaalkacyo la keenay wuxuu sheegay in dhaawaca labo maalmood oo isku xigta ay diyaarado keeneen isla markaasn ay wadartoodu tahay 49 qof oo dhaawac ah.
Agaasimuhu wuxuu sheegay in dhaawac dhamaantiis loo sameeyey baaritaano caafimaad, Raajooyin la saaray dhamaantood iyo dhiigagooda oo la baaray noocyadooda maadaama uu sheegay dhakhtarku in dhaawac badan ay dhiig baxeen una baahdeen in dhiig lagu shubo.

maamulaha Isbitaalka GMC Cabdullaahi Cabdiraxmaan Xasannuur oo Wasiirka Caafimaadka uga warbixinaya xaalada Dhaawaca Isbitaalka GMC yaalaAgaasimaha guud ee Isbitaalku waxa uu sheegay in dhaawucu uu wax ka qabo Adimadda, Caloolayda, Saablayda iyo Madaxa iyadoo uu dhakhtarku sheegay in dhaawacan ay dhamaantood jajaban yihiin ayna u baahdeen baaritaano xoog leh oo dhinac walba
ah, waxaa lagu sameeyey 10 ka mid ah qaliin. Dhaawucu waxa uu yaalaa Isbitaalka weyn iyo Isbitaalka GMC halkaas oo kuwa jajaban lagu kabayo, guud ahaana Agaasimuhu waxa uu sheegay in xaalada dhaawucu ay tahay mid aad u wanaagsan mar walbana ay dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadku heegan u yihiin.

Masuuliyiinta Caafimaadka Puntland iyo Masuuliyiinta caafimaadka Jubbaland ee dhaawaca wadayWasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame iyo Gudoomiyaha gudiga caafimaadka Jubbaland Xiirey Muxumud Guul iyo dhakhaatiir la socda ayaa waxay booqdeen dhaawaca Jubbaland ee labada Isbitaal loo qaybshay iyadoo labadan Isbitaal oo kaliya hadda lagu daaweynayo.

wasiirka oo eegaya mid ka mid ah Dhaawaca halka wax ka gaareenWasiirka Caafimaadka Puntland waxa uu dhakhaatiirta Gobalka Mudug uga warbixiyey heeganka ay u galeen dhaawaca Jubbaland iyo daryeelka aan hagrashada lahayn ee loo fidinayo dhaawaca. Waxa uu wasiirku sheegay in dhaawaca Jubbaland il gaar ah lagu eegayo xag caafimaad iyo xag amaan iyadoo dhaawaca amaankiisa si taxadar leh loo ilaalinayo.

Gaadiidka Gurmadka Deg deg ee Isbitaalada Gaalkacyo oo lagu diyaarshey Isbitaalka weynDhamaan shacabka Gobalka Mudug ayaa u diyaargaroobey dhaawaca Jubbaland oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaarka C/laahi Yuusuf International Airport ee Gaalkacyo, iyagoo shacabku Idaacaddaha maxaliga ah ka sheegay inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin dhaawac Jubbaland.

Dhaawacyada ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqanaya farxad iyadoo ay keentey daryeelka caafimaad ee loo sameeyey halkii ay markii hore ka niyad jabsanaayeen xaalkooda caafimaad waxay qaar badan sheegeen inay niyad ahaan u caafimaadeen oo uusan walwal haynin ayna u yimaadeen shacab u heelan oo ah walaalahood waxayna ka mahad naqeen diyaargarowga, hiilka aan hargrashada lahayn iyo daryeelka caafimaad ee joogtada ah.

Mid ka mid ah dhaawicii maalinkii hore la keenay oo salaamaya dhaawaca shalay la keenay nin k amid ah Dr. Bashiir Cali Biixi oo ka warbixinaya Xaalada Bukaan Caloosha qaliin looga sameeyey Prof. Maxamed Jaamac Salaad oo ka warbixinaya dhaawac xabadi dhabarka kaga jirto masuuliyiintii waday dhaawaca Jubbaland Shir looga hadlayo Dhaawaca Jubbaland xaalkiisa caafimaad oo ka dhacay Isbitaalka GMC mid ka mid ah dhaawaca oo madaxa dhaawac ka qaba Wasiirka iyo gudoomiyaha oo dhaawaca diyaaradda wax ka dajinaya

Wasaaradda Caafimaadka

Isbitaalka guud eeGaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>